Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo maanta lagu qarxiyay Bakool

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagu qarxiyay degmada inta u dhaxaysa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee Gobalkaasi.

Waxaana qaraxa kadib halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay dagaalamayal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay in qarax xoogan lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen inta u dhaxaysa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee Gobalka Bakool.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee lala eegtay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobalka Bakool.