QORMO:- Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Badbaadiyeey Kumanaan Shacabka Muqdisho ah

0
Cadawga qaranka iyo shacabka soomaaliyeed, waxa uu mudo aad u dheer ku naaxay dhiiga shacabka soomaaliyeed daadintiisa. Nacabku waxa uu damanaan iyo dagnaan inaga helay markii hadaynu soomaali nahay aynu dalkeena burburinay dawladii inoo dhisnayd ee dalka diifaacaysay. Hadaba isagoo ka faa iidaysanaya burburka iyo dagaalada sokeeye iyo dawlad la aanteena,ayuu abuurtay dad soomaali ah oo wakiil uuga ah in aysan soomaaliya dibdanbe u helin dawlad shaqaysa. kama sheekaynayno hada mudada nusqarniga ah ama ku dhaw ee dalkeenu lahayn xasilooni iyo kala danbayn ah dawladnimo.
Waxaa cad in ay aytahay qawaaniin uusan maanta aadamuhu kamaarmin dawladnimo,tan waxaa lagu ogaaday khibrada nolasha aadamiga uu dhaxlay iyo dhacdooyinka soomaaray,hasa yeeshee inagu islaam baynu nahay illaahay baa inoo sheegay in aynu ahaano dawlad oo waa cilmi samaawi ah waajibna ah,nasiib daro dadbaa wali qaawan oo arinkaa aan fahan sanayn!.
Waxkastoon soomarayba maanta waxaa guul u ah shacabka soomaaliyeed iyo dalkaba in dawladnimadii iyo kala danbayntii dalkeena ay soo noqotay. Waxaana xusid mudan in xoogii dalka soomaaliyeed u istaagay in uu dib boodhka isaga jafo,is turxan bixiyo is xisaabiyo iska dhex saaro oo garto kan cadawga ah ee wali ku dhexjira,kadibna uu god walba oo ay galaan kaga daba galo cadawga iskaa shaday ee dalka iyo dibadaba isku xiran, cadawgaasoo hortaaganaa in lahelo dawlad soomaaliyeed kadibna shacabku helo nabad iyo nolol, helo ganaacsi nabadoon,helo tacliin,helo caafimaad,helo sharaf iyo karaamo iyo xoriyad.
Ciidankii xooga dalkeenu shaqadiisii ayuu qabsaday,waxayna hoojiyeen oo fashiliyeen cadawga gudaha oo shabeelada hoose kasoo maleegay dhagar weyn oo ah qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku halaagaan kumanyaalo shacabka Mogdisho kunool ah iyagoo kasii laba jibaaray qaraxii soobe lagu xasuuqay shacabka soomaaliyeed. Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo ciil aad ubadan qaba hamuuna u qaba in ay cagta mariyaan cadawgaa soomaaliyeed ayaa ku helay shabeelada hoose meelo ay kaga dhuumaalaysanayeen cadawgu,kadibna cagtay mariyeen booyadihii qaraxa lagu diyaariyayna gacantay ku soo dhigeen.
Hadaba waxaan si cod dheer ah umada soomaaliyeed dal iyo dibadba uugu mahad celinayaan ciidankeena xooga  ee ka hortagay dhagartaa iyo geesiyadii wardoonka ahaa ee cadawga hubsaday. qabiil manoqdo qaran soomaalinimadaa nin walbaa wax ku yahay iyadaana nagu filan.saraakiisha iyo taliyaha xooga dalka soomaaliyeed indho qarsho waxay wacad iyo kutaab ku mareen iskuna dhaarsadeen in dalkooda uu san jiri doonin in cadaw ku dhex dhuunto oo shacabka gumaado waana ciribtirayaan. shacabka soomaaliyeedna waa garabtaagan yahay dal iyo dibadba. maanta Ethiopia waxa shacabkeedu ku hurdaa waa ciidanka xooga dalkooda,Kenya waxa shacabkooda difaacayaa waa ciidanka xooga dalkooda,dalwalba waa sidaa,hadaan ciidan jirin dalka difaacaa dawladnimo iyo dal midna majirayo,waxaana booska dawladnimada galaaya kuwa hada lagu raad joogo oo ah shabakada isku xiran ee kala ah sidan.
1.Kuwa siyaasiyiinta ah ee mucaaradka ku gabada balse dhab ahaan ah wakiil shisheeye iyo maafiyada caalamiga ah (xildhibaan fiqi iyo madaxweynihii hore xasan sheekh). siyaasiyiinta xanaaqsan.
2.Kuwo kugabada ganaacsatada suuqa bakaaraha,halkaasoo lagu qariyo si dadban lacagaha iyadoo loo ekaysiinayo lacag ganaacsi !!! laakiin  ka yimaada dawalado shisheeye oo ah cadaw sooamaliyeed iyo maafimayda caalmiga ah si soomaaliya loogu burburiyo dawladnimadana looga hor istaago.maadaama haday dawladi dhalato aysan jirayn iyagu.
3.Ciidanka ay adeegsadaan ee leh labada waji mid wajiga iyo afka duubta dadkuna u yaqaan shabaab hadana wajiga furta dadkuna u yaqaan ciidan qaran!! kuwan oo  diiday in ay is diiwaan galiyaan farahana laga qaado,xeradii loo dirana ku sugnaadaan sida ah caadada iyo shaqada ciidanka qaranka. nin qandaraas ku haysta oo lacag ku qaata dad soo dil oo cid kale u shaqeeyaa mayeeli karo fariiso xeradana ku jir umana baahna mushahar dawlada soomaaliya siiso maadaama uu haysto qandaraas ah halkii qof oo uu dilo 750 dollar.
4.Dawlado shisheeye oo E-maraatku uugu horayso hada oo malaayiin dollar ah soo galiya dalkeena si dadban iyadoo loo soomarsiiyo ganaacsato iyo siyaasiyiinta xanaaqsan.
Shabakadan maafiyada ah,waxna waa la qabtay waxna raadkooda ayaa lagu daba joogaa.kuwani waa kuwa shacabka waligoodba layn jiray waxaa aaad maqlaysaan waxbaa la dilay iyo la qarxiyay waa shabakadaan isku xiran hada dawlad iyo shacaba waa u cadaatay.waxaa ciidankii xooga dalkeenu sugay amaankii dalkuna dagaalbuu ku jiraa,shacabkuna maha in ay gacmaha laabtaan waa in cadawga guryaha ku dhuumanaya ay soo sheegaan iyo hubka sharcidarada ah kaasoo shacabka lagu laayo. dawlada waa in lala shaqeeyaa waayo dalku waa dalkeenii dadkuna waa dadkeenii waa in aan cadawga qabanaa oo dawlada si buuxda u garab istaagnaa oo soomaaliya noolaataa.
SHABAKADA MAAFIYADA ISKU XIRAN DAAWO.
Cadawga kaliya ee dalkeena ku soo haray ee hada lagu raad joogaa waa shabkada maafiyada caalamiga ah ee isku xiran,waakuwan kuwa u diidan in shacabka MOGDISHO helaan nabad iyo nolol ee hortaagan dawladnimo soomaaliyeed kana doortay dollar shisheeye siiyo.
 
Hoos halkan ka daawo geesiyadii xooga dalka soomaaliyeed oo dhulka boorka kiciyay taasoo ah fariin ay u dirayaan cadawga dalkeena dhex jiifa.
Sareeye Gaas Daahir Aadan Elmi indho qarsho waa nin wadani ah wacad baana u yaala ah in ciidankii xooga dalkeena soomaaliya uu ku soo celiyaa sidii uu ahaan jiray si kasii xoog iyo aqoon badan dalkana uu xasiliyaa guud ahaan cadawgana gacanbir ah ku sugaa noocyadiisa kala duwan.sareeye gaas Daahir guulayso waxaana balan ah in aan kaa qoraa taariikh aduunyada iyo soomaaliyaba ka gasha baal dahab ah anagoo kuu rajaynayna in aad noqoto taliyihii ku guulaystay hana shada dalkiisa iyo ka xoraynta cadawga ku habsaday mudo27 sanadood ah. shacabka soomaaliyeed qabiil iyo kooxaysi iyo danaysi iyo diciif aan go aan lahayn uma baahna waayo waxaa soomaaliya deeqda dawlad nimo iyo soomaalinimo inta kale waa calaacal iyo raginimo xumo mana loo baahna ragbaa larabaa gala taariikhda oo cadawga qaabila. guulaha aad durba gaadhay waa ku diirsanay anagoo ah soomaali jecel dalka iyo diinta una fakarayna sida basharka wax kasaa ufakaaro. waan hubnaa in aad guulaysanaysaan waana cadahay cimriga yar ee ku  haray ku bad baadi dalkaaga allaah hakuu barakeeyo cimriga hana kuu dheereeyo.
Waxaan halkan ku hanbalyaynaynaa anagoo ah shacabkii soomaaliyeed nidaamka reer magaalnimo iyo akhyaarnimo ee ay isugu tanaasuleen madaxda qarankeenu ama ha haado maamul goboleed ama ha ahaado dawlada dhexe ee fadaraalka.iyaga iyo shacabka soomaaliyeedba dantu waxay ku jirtaa haldawlad baynu nahay,hal calan baynu leenahay,hal madaxweyne ayaynu leenahay,hal dal iyo hal dad iyo hal diin iyo hal af baynu leenahay.waa in hore loo socdaa ahmed madoobe waana nin garasho leh jubaland nabadeeyay hadana haduu ku guulaysto kursigana dawlada fadaraalka ah la shaqayn doona haduu mid kale ka guulaystana dawlada fadaraalka la shaqayn doona soomaalina intaa unbay uuga fadhiday waana mahad sanyahay madaxweyne ahmed samaha uu kataliyay. qofkastoo soomaaliyeed oo siyaasi ah sidaas ayaa laga rabaa taariikhdana qoraysa.

W/Q Yuusuf Cumar
mashruuc5@hotmail.com