AKHRISO:- RW Kheyre oo shaaciyey sababta uu Madaxweynaha uga baaqday Kulanka Aqalka Sare

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isaga oo shaaciyey sababta uu uga baaqday Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka,isla markaana uu khudbad ka jeediyey furitaanka Maanta ee Kal-fadhiga 5aad.

Sababaha uu kulanka uga baaqday ayuu ku sheegay sababo Amni oo jira,balse Ra’iisul Wasaare Kheyre uusan sii faah faahin.

inta uusan furmin kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare ayaa waxaa jiray jahwareer ka dhashay cida fureysa kal-fadhiga, iyada oo guddoonka ay diidanaayeen in uu Ra’iisul Wasaaraha furo wallow markii dambe xal laga gaaray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa tira ka dhowr jeer ka baaqday furitaanka kal-fadhiyada Golaha Aqalka Sare,waxaana xusid mudan in Xildhibaanada labada Aqal aysan xilligaan wax wadashaqeyn ah ka dhaxeyn.