QORMO:- Hanka iyo Howlgalka Hogaamiyaha Soomaaliga

0

Waxaan qormadaan oga faaloonaynaa habdhaqanka hogaamiyaha Soomaaligaa, iyo hawlgalkiisa markii loo idmado masuuliyad. Madaxda Soomaaliya micnaha madaxnimadu masalin, madhicin mana magaran. Madaxda Soomaaliddu madaxnimadda waxay moodaan maamuus un iyo wax lugu xaragoodo, uma fahmaan masuuliyad, maxaa wacay si masuuliyad ku jirto kumaba soo galin oo laaluush ayay ku helaan sida badan. Markii luguu doorto madaxnimo waxaa luguu doortay waa in aad hormariso dadka xilka kuu dhiibtay, hawlgalkaagu waa in uu ahaadaa in aad danta guud ilaalisaa.

daartooday daryeelaan dalna uma maqna

Madaxda Soomaaliddu waxay u hawlgalaan siddii ay ayaku isu hagaajin lahaayeen, noloshoodana u qurxin lahaayeen, uma hawlgalaan siddii ay deegaanadooda iyo Dalka u hagaajin lahaayeen. Waxay dhisaan marka hore qurxiyaanna dhismayaasha ay ku noolaan rabaan muddo xileed koodda. Waxay hufaan noloshoodda iyo inta ayaka la joogta ee ay qabanayaan indhaha inta u imaanaysa. Waxay hagaajiyaan nolosha askarta ayaka ku meeran, gawaaridooda, agabka xaafiisyadooda, wax kalana dan kama galaan sidda badan. Dalka guriga ay ka degan yihiin iyo wadadda soo gasha ayay ka hagaajiyaan, askartana inta waardiyaynaysa ayay daryeelaan, amniga waxay ka sugaan gurigooda, xaafiiskoodda iyo wadada isku xirta inta kalana sheelaray kumaraan. Waxay isticmaalaan qarash (running cost} aan loo meeldayin. Waxay u isticmaalaan qarashka hab aanku haboonayn xaalada dalka. Nolosha dadka qaar way hoosaysaa, boga ayay dhulka ku hayaan, madaxduna mukayfay ku qarqaraan, ugu yaraan 10 weel ayaaa wax loogu keenaa ayadoo loo saaro miis dhalo ah.

Hogaamiyayaasha Soomaalidda markay xilka qabtaan ayaa Riyo u bilaabataa, rooga casay run moodaan, salaan sharafta laysku leeyahay, iyo Turunbada loo yeerinaayay tanaad moodaan. waxaa lugu huwaayeeyaa hoolal ay ku jiraan hobolo aad loo soo hufay hadal jeedin tooda, soona maray jaansuur jidbaysan. Waxaa hortooda laga qaadaa afareey aan aragti wayn xanbaarsanayn, iyo wax murti lugu sheegoon ilmaha xitaa lugu seexin, meel dheer majiraane markay ku qiiroodaan afarayda ayaa sacab lugu saaraa masraxa, markaasay yabooh aan fulayn kufaanaan, hadhoowna halkaas laga daadihiyaa ilaa ay ku laabtaan dhismihii laga soo saaray saakay, ama lugu raadiyaa Xaflad xarig-jar aan xalaal ahayn.

MUNAASABADA MADAXDU MAALGELIYAAN

Madaxda xukuumadda markaas taladda haysaa waxay dhigtaan ogana khubeeyaan dadka xafladdo sida badan indha sarcaad aad moodo oo aan lugu kala xishoon, waxay iska ilaaliyaan xafalad ay san qaban dad ayaka aragtidooda aan xambaarsanaysan, xafladaha ayaka loo qabtana waxaa laga ilaaliyaa in ayka hadlaan dad wax dhaliila madaxda u haya, waa daciif nimadu waxay dhashay, marka ay soo galayaan waxaa amar lugugu siinayaa in aad u istaagto ha-u-qalmo ama yuu-u-qalmin, markii loo istaagay isku bogaan, marka ay hadlayaanna in aad u sacbiso ayaa luguugu baaqayaa ku qanac hadalkooda ama haku qancin, sacabka waxaadku daraysaa; ‘sax-weeye wax-weeye’ markii loo sacbiyuu murtile nawada qanciyay ismoodaan. Waxay jeediyaan hadalo aan sariig lahayn, waxaa siigudbiya da’yar dantoodu ku jirto.

Markaad ka istaagto xaflad madaxda loo qabtay waxaa kuu banaan kaliya in aad u ducayso rajiimka taladda haya, in aad amaan kala duldhacdo ha ahaato mid amaanu qabato ama midaysan qaban, in aad Ilaaheey caafimaad oga bariso, caqli iyo garasho idil keedna aad u tiiriso asaga, wax kale kuuma furna hadaad dadka ku soo dhexdhuumato e aad amaani wayso mardanbe fursad uma helidoontid mikrafoon Dawladdu beteri gashatay. Mikrafoonadda dawladda ayada unbaa loogu duceeyaa luguna amaanaa, lugu mana su’aalo wax aysan raali ka hayn.

Madaxda Soomaalidu iskuma kalsoona, qofka ugu carabka jilacsan, balaaqada yar uma babacdhigi karaan carabkiisa, sababtoo ah qofbu ka dabayshaa danqisa, malahan awood ay ku yimaadaan fagaaraha dooda kuna dhagaystaan aragtiyadda ka duwan. Shaki malahan in shacabka badi lahayn garasho cilmiyeed oo ay si cilmiyaysan aragtidooda ugu dhiibtaan, hadana waa lama huraan in shacabka la dhagaysto lana qaymeeyo aragtiyada kaaduwan, Markaad madaxtahayna kurtun in aadka dulqaad badan tahay ayaa loo baahan yahay.

Marka la soo aruuriyo madaxda Soomaaliddu waxay u dhexeeyaan un; In ay xarig-jaraan mashruuc si sharaf-dhac ah lugu helay, luguna hir-geliyay, in ay ka qayb galaan kana khudbeeyaan xafalad aan wax ujeedo ah lahayn, iyo inay koox dada inta gacanta u haatiyaan qalbiga saaraan waa jacaylaan jirine, in ay kusocdaan roog cas, loo na yeeriyo turunbo miyirka loogu dejiyo, iyo in ay kujiraan shamiinto gadaasheed.
madaxda Soomaalidu kama tagaan wax nidaam ah mana abuuraan, waxay weheshadaan sandeertada saaxiibada caalamku bixiyaan oo runtii dhib nugu ah markaad u fiirsato sida aan isku dhiganay oo aanan u tabcan wax ilo dhaqaalo oo laysku halayn karo iyo nidaam maamul, iyo haayado dawli ah. 10sano waxaa nala jooga ciidan shisheeye, waxaa nugu socda taageero caalamiya hadan Xamar un baa la xasilin la’yahay magarateen sababta; madaxdeenu waligood iskuma tashan mana baraarugsana, hawlgalkooduna sidaas kuma wajahna.

Madaxda waxaa la shaqeeya dhalinyaro aan dhiifo badan lahayn, dhalinyaro dufuurtu adoomo oga dhigtay ayaa la shaqaysa, ku waasoo dhoola tuska madaxda dhoohan dhab moodda, dhulku in uu sugaayiyo, iyo dhaxal in laga sugaayo midna aan ogayn. Dhalinyarada madaxda gacan siisa waxaa waqtigu ku dhamaadaa ayakoon wax hadaf ah gaarin, waxaana ka qasaara mudada qofkaas madaxdaa xilka hayo in la eg, hadhoowaa laqab siga noloshaa dhibku noqota, tacabna oga baahataa. Wayjiraan kuwo fahma xaqiiqada ee taxadara.

NOQO HOGAAN DHEEF LEH

Hogaamiyayaasha Soomaaliya waa geed yuhuudka oo kale, geedkaan ma ogola in geed kale ka agbaxo. Madaxda Soomaaliddu malahan dhaqan looga daysan karo, ma beeraan kamana tagaan hogaamiyayaal ayaka bedela, waxay jecelyihiin in ay kaligood muuqdaan, ma ogola in ay cidkale ka garab muuqato. Ma maamuusaan ciddii wax garata e wax fiican qabata, waxaaba laga yaabaa inay qariyaan ayakoo is leh yaan la helin cid idinka fiican, ma ogola in cidkale fekerto dadka ayaka unbaa u fekera aragtidoodaas unbaana dadka u cid iyo ceersilaa. Hogaamiyayaasheenu nama dhaxal siiyaan hogaan bedela ayaka.

Hogaamiyaha dadkuu hogaaminayo ka horeeyaa hogaamiye maahan, hogaamiyayaasha Soomaalidu dadka wayka horeeyaan nolol ahaan wayka fiican yihiin, caafimaad ahaan wayka caafimaad fiican yihiin, dhamaantood waxaa lugu soo daaweeyaan dalka dibaddiisa, ubad koodda waxaa wax lugu baraa dibadda, xaasas koodu waxay ku soo dhalaan dibadda, waxay maal gashadaan dibadda, waxay guryo ka gataan dibada, xilku markuu ka dhamaan rabo ayay sii daydaydaan halkay ku noolaan lahaayeen.

Hogaamiya wanaagsan waa run loowga aan been ku khodbayn, daacad amaano leh ( qof lugu aamini karo nolosha shacabka), karti shaqo leh (gacanta laga la shaqadda xitaa haday dhagax tahay la jabinayo), garasho leh (qofkasta miiqaamkiisa dhiga, cid walbaa waxay gashana uqira), fogaan-arag ah (10sano waxa dhici kara qiyaasi kara), guubaabo leh ( dadka wax ka dhaadhicin kara), kalsooni lugu qabo waana waxa ugu fiican oo u helo hogaamiye (qofaan ku aamin sanayn ma xukumikartid).

Hogaamiyaha wanaagsan waa kan doorashada wanaagsan oo soo xula dad waxtar ah oo u qalma in loo idmado xaafiisyada dawladda ee kala duwan, hadana siiya waxay u baahan yihiin siyay u gutaan shaqada loo idmaday. Hogaamiye wanaagsan waa kii kudayasho leh oo lugu daysan karo dhaqan ahaan akhlaaq ahaan intaba.

Hogaamiyaha iyo bulshadda waxa isku hayaa waa jacayl, in hogaamiyuhu jecel ayahay bulshadda, bulshaduna jeceshahay madaxda, kuwa ay bulshaddu u ducayso ayaa ah kuwa waxtar ka leh. Madaxda Soomaalidu ma lahan dhaqan loogu duceeyo, shacabkuna malahan dulqaad iyo wacyi ay marka hore ku doortaan dad wax gala, anakaa marka hore laaluush ku keena hadana anakaa hadhoow habaarna, habaarkaas ayay nugula dhexjiraan waligood, umad waxaanahay laga yaabay.

Bulshada Soomaaliyeed waa in ay is-hagaajiyaan haday rabaan in madaxdu hagaagto, maxaa wacay anaka ayay nugu marmarsiyoodaan ayakoo adeegsanaya qaacidadii aheed “qofku masameeyo bulshada e, bulshadaa qofka samaysa oo saamaysa”, hadaan is hagaajino nuguma marmarsiyoon doonaan. Sidoo kale waxaa layiraahdaa, “jinsiga Soomaaligaa asagaa kasamaysn nidaam nacaybka” tusaale dalkii waad aragtaan waxa laaluush isdaba maraya, sidoo kale Soomaalidu dhaqankaas ah in nidaamka laaga daba wareego meelkasta ayay la joogaan oo markay dibada aadeen xitaa waxay sireen oo isku qaseen nidaamiii reer galbeedka. Waxay bilaabeen wax layiraa is-xanbaar, laba qof oo isla dhashay ayaa dhahaya waan is qabnaa, sidoo kale markii la tagay Yurub laba qof oo is qabta ayaa oranaya ma is qabno siyay u helaan aduunyo, markaa soo ma muuqato in bulshada Soomaaliyeed duco qabto tahay.

Gabangabo:

Madaxda Soomaalidu waa in ay gartaan xaqiiqada dalka iyo dalka ay hogaaminayaan, waa in ay kala saaraan waxay dalalka kale oga duwan yihiin, waa in aan lugu sirmin rooga cas, hadaadan huwsanyn calan sharaf leh roogaas cas micne kuuma samaynayo. Xafladaha iyo xamaasada aan cilmiga ku dhisnayn waa in aan xakamaynaa, iskana daynaa xafladaha qarashka badan ku baxo ee aan micnaha lahayn. Waa in qarashka hantida shacabkaan tabaalaysan loo maamulo si dani ku jirto lagana fogaado xadgudubka. Waa in ay noo muuqato nolosha hooyada aan hoyan karin e baahidu dilayso halka ay noo muuqan laheed nolosha galbeedka. Waa in aan jilnaa xaalada nolosha dalka e aanan jilin xaaladaha nolosha galbeedka. hanka iyo hawlgalka hogaamiyaha Soomaaligaa waa in uu dhaafo; dantiisa, dadkiisa iyo daartiisa oo uu daryeelo dalka loo idmaday samata bixintiisa.

Xaaladaan kuma koobna xukuumad iyo koox gaar ah waa laga wada sinnaa sanadihii la soo maray.

W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”

https://calicabdalla.blogspot.com

www.facebook.com/cccimaam

www.twitter.com/youthimam