SAWIRO:- Madaxweynaha Puntland oo Daah-Furay Mashruuc Qaliin Loogu Samaynaayo Dadka Faruuran.

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cisbitaalka magaalada Garoowe ka daah-furay Mashruuc balaaran oo Qaliin loogu samaynaayo dadka faruuran iyo dadka dhabxanaggu xidhan yahay.

Munaasabadda furitaanka mashruuca waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, masuuliyiinta cisbitaalka Garoowe, Jaaliyadda Puntland ee dalka Germany iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Mashruucan balaaran ee Qaliinka loogu samaynaayo dadka Faruuran oo ah kii labaad ee Puntland lagu sameeyo, ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya dad gaaraya 185 qof oo ka kala yimaaday deegaanada Soomaalidu dagto, isla’markaana waxaa fulintiisa iska kaashanaya Jaaliyadda Puntland ee Germany ee qaybta ka ah (Som Care) iyo Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, waxaana qaliinka samaynaya Dhakaatiir u dhalatay wadamada Kenya iyo Hindia, kuwaas oo lagu magacaabo (Help Child Face Tomorrow).

Madaxweyne Deni oo goob joog u noqday fulinta qaliinka oo galabta bilaabmay ayaa ku booriyey jaaliyadda Puntland ee Germany iyo Dhakhaatiirta qaliinka samaynaaya ee (Help Child Face Tomorrow) inay ku dedaalaan sidii ay guul uga gaari lahaayeen dhammaystirka shaqadan.

“Waa arin aad farxad u ah, waa arin u gar-gaaraysa ubadkeena ku dhashay faruurnaanta iyo dhanxanaga dhibaatada ka haysata, waa arin dhinac kale farxad ka ah oo Bulshadeena awoodooda dhaqaale kooban tahay ay helaan adeeg caafimaad oo lacg la’aan ah”.

“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan intii kasoo shaqaysay hawshaas oo ay ugu horreeyaan Jaaliyadda Germany, dhakhaatiirta fulinaysa qaliinka, Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka
cisbitaalka” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????