SAWIRO:- Duqa Muqdisho Oo Dhagax Dhigay Waax Ka Tirsan Degmada Warta-Nabadda

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisoe) ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Barwaaqo ee Degmada Warta-Nabadda.

Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada ku dhaqan Waaxda Barwaaqo ee dib-u-dhiska lagu sameenayo, si ay ugu helaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dawladsa Hoose. Isagoo xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay daadajinta Adeegyada si loogu dhaweeyo shacabka.

“Maamulkeennu waa kii shacabka, waxaana ka go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud, si shacabka loogu adeego, marna nama baqdin gelineyso falalka ay geysanayaan Kooxaha argagixisada ee u taagan dhibaateynta shacabkeenna”.

Eng. Yarisoe ayaa tilmaamay in guulo laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka.