AKHRISO:- Qaar Ka Mida Waddooyinka Muqdisho Oo Maanta Xiran

0

Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa aroornimadii hore ee saaka waxa ay ku waa bariisteen wadooyinka muhiimka ah oo xiran iyada oo la arkayo boqolaal shacab ah oo lugaynaya.

Waddoyinka xiran waxaa ka mid ah Isgooyska Banaadir Zoobe iyo meelo kale oo halboowle u ahaa isusocodka gaadiidka iyo Ganacsiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Miltariga ayaa taagan inta badan waddooyinka xiran,iyaga oo gaadiidka u diidaya in ay maraan jidadkaas,lama oga sababta loo xiray waddooyinkaan.