AKHRISO:- Maxay Tahay Sababta Shaqada Looga Eryey Taliyihii Guud Ee Ciidanka Dalka Maali?

0

Taliyihii Guud ee Milliteriga dalkaasi iyo Taliyihii Ciiddanka Dhulka ayaa la sheegay inay xilalkooda waayeen, hal maalin kadib, markii in ka badan 130 qof lagu dilay weeraro ka dhacay dalkaasi.

Taliyihii Guud ee Milliteriga dalkaasi, Jeneral Mabemba Muusa Kayta waxaa lagu bedelay Jeneral Abdulaye Kolibali, halka Taliyihii Ciiddanka Dhulka ee dalkaasi, Jeneral C/raxmaan Baybi waxaa lagu bedelay Sarreeye Guuto Kebe Sangare.

Isbedelkan ayaa yimid saacado kadib, markii uu Madaxweynaha dalka Malai, Ibraahim Bubakar ku baaqay Kulan Degdeg ah oo looga fal-celinayo weerarka lagu dilay ugu yaraan 134 qof oo isugu jiray rag, haween iyop carruur.