AKHRISO:- Dhul gariir xalay ku dhuftay kenya

0

Dhul ruxankii xalay saacaddu markay ahayd 7.22 daqiiqo ka dhacay qeybo ka mid ah Kenya ayaa loo aqoonsaday kii ugu cuslaa cabbiir ahaan ee ka dhaca Kenya.

Barta Earth Quake Track oo la socota dhul gariirada caalamka ayaa sheegtay xogtan hoose:

Meelaha laga dareemay: Nairobi, Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni, Kiambu, Wundanyi.


Cabbirkiisu waxaa lagu qiyaasay 4.8 qiyaasta cabbirka richterka.
Wuxuu socday dhowr seken oo kaliya.

Baaxadda gunta dhul ruxanka waa 9KM (sagaal kilmomitir).

AKHRISO
Qaar ka mida Waddooyinka Muqdisho oo maanta xiran

Mar 25, 2019
(Warbixin) Ra’iisul Wasaaraha New Zealand oo lagu casuumay inay qaadato Islaamka

Mar 24, 2019
Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan

Mar 24, 2019
Wax khasaare ah naf iyo maal midna lama soo sheegin.

Waxaa dadka ku nool deegaanada xeebaha ku teedsan lagu booriyay inay ka fogaadaan agagaarka badda, ayna u dhowaadaan dhulka jooggiisu sarreeyo.

Dhul ruxankan mid ku dhow (4.5) ayaa ka dhacay Tanzania siddeed bilood ka hor. Halka isla deegaano ka mid ah Kenya laga dareemay xaaladdan oo kale labo bilood ka hor.

Khubaradda Saadaasha Hawada ayaa sheegaya in dhul gariirka caawa ka dhacay Kenya uu yahay kii ugu weynaa ee ka dhaca Kenya.

Sawirka qariidada ayaa muujinaya juqraafi ahaan deegaannada dhul ruxanka laga dareemay.