Wasiirka arimaha dibaadda ee Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Marooko

0

Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya md: Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  booqsho rasmi ah ku tagay dalka marooko,Booqashadan oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah waxaa  wasiir Cawad ku wehlinaya xubno diblomaasiyiin ah oo heerkoodu sareeyo,

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya mudada ay joogaan dalka Marooko,waxay wadahadallo laba geesood ah  la yeelan doonaan masuuliyiinta kala duwan dalkaasi ka tirsan.

Wasiirka arimaha dibadda ee Marooko Nasser Bourita wuxuu dhankiisa sheegay in labada dal ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba dal ee soo jireenka aha iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa,dhidibadana loogu aasi lahaa iskaashi dhinacyo badan  leh oo u adeeggaya danaha labada dal ee walaalaha ah.