SAWIRRO:-Tababar lagu baranayo wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka oo ka furmay Baydhabo

0

Tababar socon doono mudo saddex maalin ah ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu uga furmay Booliska iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee Koonfur Galbeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Isxaaq Baarow Isxaaq oo furay TababarKA ayaa sheegay in mudada uu socdo looga hadli doono sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Bulshada Koonfur Galbeed iyo Ciidamada Booliska si ammaanka loo sugo.

Wuxuuna sheegay in fududeynta tababarkan ay iska kaashadeen Hay’adda UNDP iyo Dowladda Jabaan oo qeyb weyn ka qaata taageerada Soomaaliya.

Waxaana sidoo kale,mudada saddexda maalin ah ee uu socdo tababarkan ka faa’ideysan doona qaar ka mid ah Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ee ka howlgala gobolada iyo degmooyinka Maamulka iyo Shacab ka kala yimuid saddexda gobol uu ka kooban yahay Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn,tababarkan oo fulintiisa ay iska kaashanayaan Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka deegaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.