SAWIRRO:-Shaqaale ka tirsan dowladda oo tababar loogu soo xirey Muqdisho

0

Tababarkan oo lagu baranayay casharo la xiriira sida lagu horumarin karo xiriirka hay’adah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan bulshada inteedi kale ayaa wejihiigsa 3-aad  waxaa  maanta lagu soo geba gebeyey magaalada Muqdisho.

Waxaa xiritaanka Wejigii 3-aad ee tababarka maanta goob joog ka ahaa kusimaha agaasimaha guud ahna Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiisak Xiukuumadda Soomaaliya Mudane Naasir Xasan Xuseen.

Waxaa loo qabtay tababarkani qaar kamid ah shaqaalaha ka kala socday hay’adaha kaladuwan ee dowladda Soomaaliya,kaasi oo ay iska kaashanayaan fulintiisa iyo qaban qaabadiisa Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska,Hay’adaha Farsight Afrika,MuqdishoMedia house iyo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay mas’uuliyiinteedi ku sugnaayeen goobta.

kusimaha agaasimaha guud ahna Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiisak Xiukuumadda Soomaaliya Mudane Naasir Xasan Xuseen ayaa kula dardaarmay shaqaalaha dowladda ee tababaraka qaatay in ay si hufan ugu adeegaan bulshada,sidoo kale wuxuu agaasimuhu xusay in tababarkan uu yahay mid muhiimadiisa leh,isagoo uga mahadceliyay dadkii dowrka ka qaatay mudadii uu socday.

Waxaa geba gebada tababarkan ka soo baxay qodobo muhiim u ah sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya hirgelinta qodobadii la soo saaray wejiyadii 1-aad iyo 2-aad eek an ka horeyeey,taasi oo muhiimad gaar ah u leh guud ahaa hay’adaha dowladda iyo bulshada xiriirkooda.