SAWIRRO:-Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay Xildhibaan Saqar

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta waxaa ay ka qeyb galeen aas qaran oo loo sameeyay Allaha u naxriistii Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada,kaasi oo shalay Ku geeriyooday weerarkii ay Al-shabaab ka fulliyeen Muqdisho.

Inta aan la aasin marxuumka ayaa Salaada Janaasada waxaa lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya waxaana ka qeyb galay madaxda qaranka, xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiiro iyo dhamaan ehelka Marxuumka.

Maxamed Mursal sheekh Cabdi Raxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka oo warbaahinta La hadlay ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, islamarkaana ka shaqeyn jiray horumarinta dowladnimada.

Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa shalay Ku geeriyooday weerarkii ay Al-shabaab Ku qaadeen Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada,waxaa uuna ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka, ,sidoo kale waxaa uu ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya.