DHAGEYSO:-Madaxweynaha Soomaaliland oo digniin u diray Maamulka Puntland

0

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland ayaa maanta khudbad waxaa uu ka horjeediyay Baarlamaanka Soomaaliland,isaga oo kaga hadlay arrimaha Siyaasada, Amniga, dhaqaalaha iyo arimo kale.

Madaxweynaha soomaaliland ayaa waxaa uu soo hadal qaaday wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxaa uuna sheegay in dhowr mar ay la soo xiriireen Dowladaha Sweden iyo Switzerland si ay u wada hadlaan Soomaaliya iyo Soomaaliland,isla markaana arintaasi ay aqbalaan Soomaaliland, si loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada Puntland ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag, isagoona digniin u diray maamulka Puntland.