DHAGEYSO:-Ciidamo Ka Tirsan Militeriga Somalia Oo Shaaciyay Inay Difaacyada Ka Soo Bixi Doonaan

0

Qaar kamid ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Difaaca uga jira Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay ka soo bixi doonaan halkaasi,kadib markii ay soo wajahday Mushaar la’aan.

Ciidamada oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Muddo 5-sano ah ay joogeen Degmada Baraawe aysan helin xuquuqda Mushaaraadkooda iyo raashinkii ay u baahnaayeen,isla markaana ay la kulmeen dhibaatooyin badan.