AKHRISO:- Ciidamo kale oo ku dhawaaqay in ay kasoo baxayaan Furimaha dagaalka

0

Cutubyo ka mid ah Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degaanada hoos yimaada degmada Baraawe ayaa ku dhawaaqay in ay guud ahaan kasoo bixi doonaan furimaha dagaalka.

Ciidanka ayaa sheegay in aysan qaadan wax Mushaar ah ama cunto ah Afartii Bilood ee ugu dambeysay, islamarkaana dhibaatooyinka jira Awgeed ay kasoo baxayaan Furimaha dagaalka.
Ciidanka ayaa Madaxda Qaranka u qabtay 3 Maalmoood in ay kaga soo jawabaan Cabashooda, hadii kale ay dib ugu laaban doonaan Guryahoooda, Maadaama aysan dalka Difaacin.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kasoo baxeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cabashadda Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xoogeysatay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Madaxda Qaranka ay sheegeen in ay bixiyeen Mushaarkii Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.