Faahfaahin ka soo baxaysa sababta uu Madaxweynaha Kenya u xiray ciwaannadiisii baraha bulshada

0

Sida ay daabaceen Warbaahinta dalka Kenya Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xiray dhammaan ciwaannadiisii baraha bulshada ka dib markii uu ruux aan loo fasixin galay ciwaannada.
Agaasimaha Madaxtooyada Kenya Nzioka Waita ayaa boggisa Twitterka ku soo qoray arrinta la xiriirta hakinta lagu sameeyay cinwaanada Madaxweynaha hase yeeshee waxa uu sheegay in ay khadka dib ugu soo noqon doonaan marka la saxo khaladaad.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Star ayaa ku warrantay in Twitterka madaxweynaha saaka la soo dhigay qoraal xasaasi ah oo siyaasadeed, ayna arrintaasi ugu wacan tahay xiridda ciwaannada madaxweynaha.

Waxaana uu wargeyska Star soo bandhigey qoraalka la tuhunsan yahay inuu sababa u ahaa xirista cinwaanada;

Qoraalka ku qoran twitterkaas ayaa waxaa macnihiisu uu yahay “haddii aad musuqmaasuq ku jirto waan kula dagaalamaynaa,xataa haddaad tahay walaalkay, walaashay ama siyaasiga iigu dhaw oo musuqmaasuq ku jira waan kula dagaalamaynaa”.

Warfidiyeenada dalka Kenya ayaa ku tilmaamay siyaasiga iigu dhow in loola jeedo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.

Dhowaan ayaa waxaa la xirxirey mas’uuliyiin badan kuwaasoo la sheegay inay saaxibo dhow ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka.

Waxaana jirta muran ku saabsan abaaro sababay in dad ay gaajo ugu dhintaan dalka Kenya. Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa beeniyay warar soo baxayay oo sheegayay in illaa labaatan ruux ay baahi ugu dhinteen dalka Kenya.