Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Gobalka Bari

0

Ugu yaraan 5-qof ayaa ku geeriyootay 10-kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee gobalka Bari kadib markii gaari ay la socdeen uu qalibmay.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay shilkaan ayaa la sheegay in ay u badanyihiin Arday dalxiis ugu socotay deegaanka Laag oo 30-KM u jira magaalada Boosaaso  waxaana goobta shilku ka dhacay Gaaray masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Ardayda dhaawcyadu ay soo gaareen ayaa loo soo qaaday Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso halkaas oo lagu dabiibayo,Dhaqaatiirta ayaana sheegay in dhaawacyadu ay u badanyihiin jab lafaha ah.