Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Marka Ee Gobalka Sh/Hoose

0

Wararka aan ka helayno magaalada Marka ee gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya uu dagaal ku dhex maray gudaha degmada Marka ee gobalka Sh/hoose.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ciidamadu ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab,qaar ka mid ah askartuna ay dalbadeen in goobta lagu dilo halka kuwa kalana ay arrintaas ka soo hor jeesteen dagaalkuna uu sidaas ku bilowday.