Shabaab oo la Wareegay Degmada Mahadaay

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,ayaa ku soo waramaya in markii ay ka baxeen Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay durbo halkaasi la wareegeen Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Goob jogayaal ka mid ah Dadka Degaanka ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku sugan yihiin goobihii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya,isla markaana xaaladda Degmada ay hadda tahay mid ka duwan sidii hore.

Sababta ka dambeysay ka bixintaanka Ciidamada Dowladda ee ay uga baxeen Mahadaay,ayaa waxaa lagu sheegay iney tahay Mushaar la,aan soo wajahday sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka.

Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay baneyeen Deegaano hoostaga Degmada Balcad oo kala ah Qalimow,Garsaale,iyo Haan-sheekh oo dhammaan kawada tirsan Shabeellaha Dhexe.

Sikastaba ha ahaate arrintaan ayaa waxa ay ku soo adeeysa xili Maalmo ka hor ay Ciidamada Dowladda ka baxeen Deegaanka Dhanaane oo in mudo ah ay fariisin ku la hayeen,iyagoona Ciidamada ka bixitaankooda u sababeeyay Mushaar la,aan awgeed,waxaana durbo Deegaankaasi la wareegay Ururka Al-shabaab.