Maxaa ka jira in Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele uu sababa amni uga soo baxay Jowhar?

0

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in Madaxweyne ku xigeenka Maamulka hir-Shabeelle Cali guudlawe Xuseen Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo ilaaladiisa inay sababo amni uga soo baxeen Magaalada Jowhar.,kadib markii ay isaga soo baxeen Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabelle Cali guudlawe Xuseen ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in sababa amni uga soo baxeen Magalada Jowhar,waxaana uu sheegay in uu ku sugan yahay halkaas,isla markaana howlihii Maamulka ay si caadi ah u socdaan, Xilli inta badan Ciidamada Millateriga Soomaaliya mushaar la’aan uga soo baxeen Magalada Jowhar iyo deegaano kale.

“Howlihii caadiga ahaa waa ay socdaan,waxaan ku suganahay jowhar, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada, maamulka heer Gobol iyo heer degmo Shaqooyinkooda ayay wataan,ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaana joogo ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle.

Inta badan Ciidmadii dowladda ee kasoo baxay degmada Johwar iyo deegaanada kale ee Gobolka Shabeellaha dhexe kana cabanaya mushaar la’aanta ayaa waxaa ay ku sugan yihiin degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.