Maalintii labaad oo Muqdisho uu ka socdo Kulanka wadatashiga Astaynta Awoodaha Heerarka Dowlada

0

Waxaa maalintii labaad ka socdo magaalada Muqdisho kulanka Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dowlada, shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u hishiisiinta Soomaaliya.

Kulankan maanta ayaa waxaa goob joobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeed-yada, howladeenada sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u hishiisiinta, waxaa kaloo ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay wasaaradaha dowladda Dhexe, Ururada bulshada Rayidka, maamulka Gobolka Banaadir, Guddiga Xuduudaha & Federaalka iyo marti sharaf kale.

Ka soo qeyb-galayaasha shirka ayaa aragtiyo iyo talo bixin ka dhiibtay awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon oo ay kala yeelan karaan heerarka dowladda, ha ahaado heer Federal ama heer Dowlad Goboleed, si bulshadda Soomaaliyeed loogu fududeeyo, loona gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Ujeedada shirka ayaa ah in Mas’uuliyadda fulinta adeegyada Dowladda loo dhiibaa hadba heer xukuumadeedka awood ku filan u leh, sida ugu wax-ku-oolsana u fulin karta, uguna dhow muwaadinka adeega loo qabanaayo, taasi oo abuuri karta in mawaadinku kula xisaabtami karo heerarka dowladda waxii mas’uuliyad ah ee ka saaran in ay fuliyaan.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in la soo xiro shirka, islamarkaana la soo bandhigo talabixinada ka soo qeyb-galayaasha ee ku aadan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon oo ay kala yeelan karaan heerarka dowladda, (heer Federal & heer Dowlad Goboleed).

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u hishiisiinta Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in arrin walba oo saameyn ku yeelanaysa nolosha iyo masiirka ummadda Soomaaliyeed in mawaadinka laga talo geliyo, lana dhegeysto fikradahooda.