Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Oo Ka Shiraya Waqtiga Uu Furmayo Kal-Fadhiga 5-Aad Ee Golaha

0

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 21, bisha March  2019 kulan ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulankaasi ayaa waxaa uu yahay  Furitaanka kalfadiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo la filaayo in dhawaan uu furmo,kadib markii fasax ay ku jireen Xildhibaanada Muddooyinkii dambe.

“Dhammaan xubnaha ka tirsan Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa waxaa loo diray fariimo ku aadan in uu berri jiro Kulanka ay yeelanayaan guddigooda,isla markaana looga baahan yahay in ay ka soo qeyb galaan”.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Fasax 2 bil ah ku jiray,kadib markii uu xirmay Kal-fadhigii 4-aad ee Golaha,waxaana lagu waday in Kal-fadhiga 5-aad uu furmyo 16-ka bishan,yaheeshee waxaa Magaalada Muqdishio Booqasho ku yimid Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,taasi oo dib u dhigtay furitaankiisa.