Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka baxay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

0

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay isaga soo baxay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ciidamadan ay isugu yimaadeen degmada Balcad oo habeen ka hor ay weerareen Al-Shabaab.

Sida wararka ay sheegayaan Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga ayaa ka soo baxay degmada Mahadaay, Qalimow, Garsaale iyo fariisimo ay ku lahaayeen duleedka Jowhar.

Hase ahaatee deegaanada ay ciidamadan ka soo baxeen ayaa waxaa weli ku sugan ciidamo kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan heysata iyo hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ahaa in Ciidamada la diiwaan geliyay la siiyay mushaarkooda, balse ay jiraan Ciidamo weli diiwaan gelintooda socoto oo xuquuqdooda la siin doono.

Dadka deegaanka Balcad ayaa soo sheegaya inay arkeen illaa labaatameeyo gaadiidka dagaalka ah oo soo galay gudaha degmada Balcad, kuwaasoo ka yimid deegaanada kale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadan ayaa sheegay inay Muqdisho ku sii jeedaan, ayna muujinayaan gadoodkooda ku saabsan xuquuqdooda oo weli maqan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamadii Milateriga ee qeybta 12-ka April ay isaga soo baxeen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo markii dambe ay qabsadeen Al-Shabaab.