AKHRISO:- Mid ka mid ah raggii ugu caansanaa Burcad Badeeda Soomaalida oo la dilay

0

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa waxaa ay ku waramayaan in duleedka Magalada gaalkacyo lagu dilay mid ka mid ah ragga ugu caansanaa Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida kaas oo lagu Magacaabi jiray Axmed Maxamuud Maxamed oo loo yaqaanay (Garaad)

Rag hubeyan ayaa sida la sheegay gaari uu saarnaa kala degay, isaga oo qof kale, hayeeshee markii dambe kooxaha ay dileen Axmed Maxamuud Maxamed oo loo yaqaanay (Garaad), isla markaana ay siidaayeen qofkii kale oo ahaa darawalkiisa.

Dilka ayaa 18kii Bishan waxa uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Golfuula oo u dhaxeeya Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo,waxaana xilliga la dilayay la sheegay in uu kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo.

Ninkaan la dilay ayaa horay uga tirsanaa kooxihii burcad badeeda Soomaalida ee aadka looga yaqaanay gobolka mudug,waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dad loo heystay Burcad badeednimo oo 14kii Bishii Febaraayo ee Sanadkaan laga keenay dalka Iiraan, isaga oo kusoo qaatay Xabsi 9 Sano ah.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilkaas iyo sababta loo dilay, hayeeshee waxaa la sheegay in maalmahaan uu ku sugnaa qeybo ka mid ah degmada Hobyo, halkaas oo ay ka socoto dib u dhis lagu sameynayo dekada Magaaladaas.