AKHRISO:- Amnesty International oo ku eedeysay Maraykanka inay dad rayid ah ku dileen dalka Soomaaliya

0

Hay’ada Amnesty International ayaa ku eedeysay Maraykanka inay dad rayid ah ku dishey duqeymo ay ciidamada Maraykanka ka geysteen dalka Soomaaliya sanadkii 2017dii iyo 2018kii.

Hase yeeshee taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa beeniyay eedeynta loo soo jeediyay,iyadoo sheegtay in ay dadaal weyn u gashay inay ilaaliyaan ammaanka dadka rayidka ah ayna dib u eegeen eedeymaha balse aysan helin wax cadeymo ah.

Warbixinta ay soo saartay Amnesty ayaa lagu sheegay in 14 ruux oo rayid ah lagu diley halka siddeed kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo ay ka geysteen ciidamada Maraykanka gobolka Shabelaha Hoose.

AFRICOM ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay eedeymaha ay tixgelinayaan iyadoo taariiqda duqeymaha dhaceen ay ka soo bilaabanayaan bishii Oktoobar 2017 illaa iyo December 2018.

AFRICOM ayaa waxa ay sheegtay in eedeymahan ay yihiin kuwo aan sal lahayn oo ay faafiyeen warbaahino xiriir la leh ururka Alshabaab.

Duqeymaha ciidamada Maraykanka ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya ayaa korortay tan iyo markii uu Madaxweynaha Maraykanka Trump uu oggolaaday duqeymaha lagu qaadayo ururka Al-Shabaab.

Ugu yaraan 252 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu diley duqeymo gaaraya 28 oo sanadkan oo kaliya ka fuliyeen ciidamada Maraykanka dalka Soomaaliya. Waxaana uu Taliska AFRICOM sheegay in duqeymahaas aysan dad rayid ah wax ku noqon.