Faah Faahin Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Ka Socda Deegaanka Xeraale

0

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan dagaal  xoogan oo weli ka socda deegaanka Xeeraale ee Gobolka Galgaduud,kaasi oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug ay weerar ku qaadeen Maleeshiyo beeleed hubeysan oo ku sugnaa xeeraale,isla markaana xalay saqdii dhexe uu ka qarxay deegaankaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagalkan ka scoda Xeeraale,waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocaydiisa kala duwan.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen 8 ruux oo isugu jira labada dhinac,halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.