Faah-faahin:-30-ruux oo Ku Dhimatay Dagaalka Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo xalay ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, kaasoo u dhaxeeyay ciidamo taabacsanaa Ahlusunada ku biiray Galmudug iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii saqdii dhexe ee xalay galbeedka Xeraale ay duulaan ku soo galeen Ciidanka Ahlusuna, iyagoo iska caabin xooggan kala kulmay maleeshiyada deegaanka oo xilligaasi waday dhaq dhaqaaqyo ay amniga ku sugayeen.

Wararka saaka laga helayo deegaanka Xeraale ayaa soo sheegay in laga saaray Ciidankii weerarka soo qaaday, haatanna uu dagaalka ka socdo banaanka Xeraale, iyadoo dadka deegaanka ay arkeen meydadka 4 qof oo ka mid ah dhinacyadii dagaaalamy, halka dhaawaca uu ka badan yahay todobo ruux.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac, iyagoo ka cabsi qaba in xilli kasta uu dhici karo dagaal rogaal celis ah, waxaana gudaha deegaanka ka socda abaabul ay sameynayaan Maleeshiyaadka deegaanka oo gawaarida dagaalka banaanka u soo saaray.