DHAGEYSO:-Xukuumadda oo ka hadashay dagaalada ka socda Gobalada Galgaduud iyo Sh.Dhexe

0

Wasiirka arimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobalada shabeelaha dhexe iyo Galgaduud.

Waxaa uu sheegay wasiirka inuu aad ugu xun yahay in dagaal beeleed uu markale dalka ku soo laabto, isagoona ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda gobalada dalka.

Wasiirka Arimaha gudaha  Soomaaliya ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya deegaanada Xeraale iyo Buur-dheer  in ay  joojiyaan xabadda, islamarkaana ay heshiis ku dhameeyaan dirirta u dhaxaysa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku dadaalayso joojinta dagaal beeleedyada ka taagan gobalada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe, iyadoona Madaxda maamul gobaleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ka dalbaday in ay arintaasi wax ka qabtaan.