DHAGEYSO:-Xiisada Galmudug oo Faraha kasii baxday iyo Cali Gacal oo War Cusub uga dhowaaqay Cadaado

0

Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda maamulka Galmudug ee xarumo ka kala dhigtay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug  Cali Gacal Casir  oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayaa sheegay in doorashada ka dhaceyso Galmudug aysan u joogsaneyn madaxda ku sugan magaalada Dhuusomareeb.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay leedahay Dastuur iyo xildhibaano ilaalinaya islamarkaana  doorashada ay ku dhaceyso waqtigeeda, wuxuuna sheegay in xiligii la dhisay maamulka Galmudug lagu saleynayo doorashada maamulkaasi.