DHAGEYSO:-Wasiirka Duulista hawada oo sheegay in shirkadda Daallo ay duulimaadyadeeda u wareejisay Garowe

0

Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Dowlada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay) ayaa sheegay in diyaaradda Daallo Airline oo kamid ah diyaaradda kaliya ee duulimaadka caalamiga ka sameeysa garoonka diyaaradaha Boosaaso ay labada toddobaad ee soo socda duulimaadyadeedii Dubai u soo wareejin doono madaarka Gen.Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada xariga looga Jarayay Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee madaarka Gen.Maxamed Abshir taas oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland..