Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo Muqdisho ku dilay Wiil Saddex cisho aroos ahaa

0

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa duhurnimadii shalay isgoyska Taleex ee degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah, kaasoo watay Mootada Saddexda lugood leh ee Bajaajta.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray C/waaxid Jibriil Afrax waxaa toogtay askari ka mid ahaa ciidanka ammaanka ee xiray qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho intii uu ku sugnaa Muqdihso madaxweynaha dalka Jabuuti, iyadoo askariga dilka geystay uu ka baxsaday gacanta laamaha amaanka.

Ehelada marxuum C/Waaxid Jibriil Afrax ayaa sheegay in Wiilkooda uu Aroos ahaa Saddex cisho oo kaliya, isagoo shalay soo aaday banaanka si uu u raadsado biilka qoyskiisa cusub.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka la dilay iyo askariga uu gacan ka hadal dhex maray, kaddib markii ay murmeen.

Waxaa uu Todobo kula jiray Xaaskiisa oo lagu magacaabo Saamiya Suleymaan Jaamac, waxaana dhacdadan aadka xanuunka badan ay murugo iyo uur ku taalo ku reebtay dadka Muqdisho.

Saraakiisha Booliska ee Saldhiga Hodan iyo kuwo Gobolka Banaadir wali wax war ah kama soo saarin dilka loo geystay Wiilka dhalinyarada ah, iyadoo uu socdo howlgal lagu doonayo in lagu soo qabto gacan ku dhiiglaha oo si baxsad ahaan loo raaidnayo