Akhriso:-Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Baraawe Oo Xilka Qaadis Lagu Sameeyay

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa xilka qaadis ku sameeyay Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Degmada Baraawe.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Xasan Xuseen ayaa waxaa xilkii looga qaaday Cabdullaahi Xuseen Cusmaan oo ahaa Maareeyihii Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.