Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Weli Ka Socda Deegaano Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo weli ka socda tuulooyin hoosaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa saakay markii hore ka bilowday deegaanka Burdheere,waxaana haatan uu kusii fiday deegaano hor leh oo hoostaga Cadale,iyadoona la isku adeegsanayo hubka nooyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa dagaalkaas ku geeriyootay halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka, sida qof kamid ah dadka deegaanka uu u sheegay wraabhinta gudaha

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dadkii dhaawacmay loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.