Guddoomiye Mursal Oo Hay’adaha Amniga Faray In Baaritaan Deg Deg Ah Lagu Sameeyo Qarixii Ka Dhacay Goof-Gaduud

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkii ku geeriyooday Qarax ka dhacay Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay,waxa uuna Alle uga baryay dadkii halkaasi ku geeriyooday in jaxriistiisa jano uu ka waraabiyo intii ku dhaawacantayna uu Alle caafiyo.

Dadkan ayaa waxa ay waxyeelo kasoo gaartay ka dib markii Al Shabaab ay miino ku aaseen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Deegaanka Goofgaduud halkaasna markii ay dadkii ku ganacsanayay isugu yimaadeen ay ku qarxiyeen,inta la ogyahay 9 ruux ayaa ku dhimatay dad kaloo sodomeeyo ku dhowna waa ay ku dhaawacmeen.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha amanka in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan dhacdadaas dadka shacabka lagu laayay,isla markaana ragii ka dambeeyay cadaalada loo marsiiyo.