Akhriso:-Ciidanka Kenya Oo Dhaq Dhaqaaqyo Ka Wada Jubbaland

0

Ciidamada milatariga Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaanada maamulka Jubbaland.

Howlgalladan oo ah kuwa xoogan ayaa waxa ay si gaar ah ciidanku ay uga wadaan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in jirdil iyo dhibaatooyin kale ay u geysteen dad reer Miyi ah oo ku suganaa xadka labadaasi Gobol.