SAWIRO:- Somalia Oo Ka Qeyb Galaysa Shir Looga Hadlayo Tacaddiyada Loo Geysto Haweenka

0

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shir Caalami ah oo ka socdo Xarunta Qaramada midoobay ee Magalada New York.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Haweenka Adduunka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa doorka hogamineed ee Haween weynaha Caalamka, ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Saddex Cisho ah, waxaana Soomaliya u matalaya Senetor, Muno Cumar Xasan iyo Sen ,Hodan Muxamuud Cusmaan.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa sida ugu habboon ee loogu gaashaaman karo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Caalamka iyo sidii wax loogu qaban lahaa kuwa loo geysta gabbood fallada kala duwan ee ay Bulshada dhexdeeda kala kulmaan Dumarka.

Waa markii ugu horreysay oo shir noocan oo kale ah ay Soomaaliya ka qayb gasho, waxana lagu wadaa in ay Xildhibaannada Aqalka sare ee kulankn ku sugan ay soo bandhigaan tacaddiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.