DHAGEYSO:- Wasiirka Waxbarashada Oo Digniin U Diray Jaamacadaha Dalka

0

Wasiirka Waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imtixaanka guud ee qaranka.

Wasiirka ayaa sheegay in Jaamacaddaha ku yaalla Dalka aysan qaadan karin arday aan soo marin Imtixaanka guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,isla markaana ay kormeeri doonaan Jaamacadaha .

“Maanta laga bilaabo wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay go’aan ku gaartay islamarkana jaamacaddaha dalka ka mamnuucday inaysan qaadan Karin ardey aan soo marin imtixaanka qaran ee dalka, waana ku kormeeri doona dhammaan jaamacaddaha”ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdulahi Goodax Barre.