Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland oo kulamo ka wada Gobolka sanaag

0

Xili ay sii kor dhayso xiisadda u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Puntland waxa ay gaareen deegaano ka tirsan gobalka Sanaag oo ay ku muransanyihiin labada maamulk ee deriska ah.

Wefdigaan ayaa waxa ay gaareen deegaanka Heyl ee gobalka Sagaan waxaana socdaalka wasiirada iyo xildhibaanadaan uu yahay mid heer Sare ah oo loogu kuur gelayo xaaladda dhinaca nolosha ah ee ka jirta halkaas.

Masuuliyiintaan ka tirsan Puntland ayaa kula la qaatay Odayaasha dhaqanka culuma’uudiinka iyo qeybaha kale ee bulshada iyaga ka xog wareystay caqabadaha dhinaca nolosha ee heystada dadka deegaanka si wax looga qabto.

Safarka Wasiirada iyo Xildhibaanadaan waxa uu ku soo beegmayaa xili ay cirka iskusii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland kuwaas oo isku heysta gacan ku heynta deegaano ka tirsan gobalada Sool iyo Sanaag.