Wafuud ka socda Puntland oo ku wajahan G/Sanaag

0

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa  gaaray Magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag, xilli ay xiisad dagaal oo u dhexeysa Soomaaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay Gobalkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saakay  Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland iyo wafti ballaaran oo ka socda maamulka Puntland ay ku wajahan yihiin deegaanka  Yubbe ee gobolka Sanaag oo halkaasi fariisamo ay ku leeyihiin Ciidamada Soomaaliland.

Xubno ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, mudanayaasha barlamaanka, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa wararku sheegayaan inay booqan doonaan deegaanka Yubbe oo ku taal xuduudka Puntland ay la leedahay Magaalada  Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Waftigaan ayaa u jeedkoodu yahay inay jawaab ka bixiyaan dhaq dhaqaaqyada ciidanka Somaliland maalmihii ugu dambeeyey ay ka samaynayeen deegaanka Yubbe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi laga qabo in dagaal xoogan uu maanta ka qarxo deegaanka Yubbe, maadaama halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliland, halka Ciidamo badan oo ka tirsan Puntland saakay ay ku sii jeedaan deegaankaasi.