Mareykanka oo war ka soo saaray weerar cusub oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose

0

Mareykanka ayaa ka hadlay weerar cusub uu ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ka mid ah goobaha ay ku xooggan yihiin Kooxda Al-Shabaab.

Qoraal lagu daabacay Twitterka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerar dhinaca cirka ah ay ka geysteen deegaan lagu magacaao Huleey, halkaasna ay ku dileen laba xubnood oo Shabaab ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ka kacay Garoonka diyaaradaha Balli-doogle ay weeraro ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Weerarka cusub ayaa dhacay maalin kadib, markii Mareykanka uu sheegtay inuu 8 Al-Shabaab ah ku dilay deegaanka Daaru Salaam oo u dhexeeya Awdheegle iyo Mubaarak, halkaas oo 10-kii bishan ay ka sameeyeen howlgal dhinaca cirka iyo dhulka ah.

Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada ka dhanka ah Shabaabka ku sugan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo sanadkan bilowga ah weerar ku dilay in ka badan 200 oo Shabaab ah, waxaana weerarada intooda badan ay ka dhaceen gobolka Sh/Hoose.