Faah Faahin:- Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qaraxaan oo ahaa mid gaari ayaa ka dhacay Isgooyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan ka soo hor jeedka hotel Furaad,gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu ku baakinaa wadada dhinaceeda,iyada oo la sheegay in uu ahaa qarax lagu xiray gaarigga.

Dad goobjoogyaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in aysan wax khasaaro ah oo dadka ka soo gaaray qaraxaas,hase’ahatee markii uu dhacay in ay dadku ka kala carareen goobahooda ganacsi goobtana ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaana ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya garigga qarxay in uu lahaa sargaal ka tirsan qeybta dembi barista CID-da ee magaalada Muqdisho isla markana uu ka badbaaday.