Dhaq Dhaqaaqyo Xoogan Oo Ka Socda Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya Gedo ayaa kuwaramaya in maanta dhaq dhaqaaqyo milatari laga dareemayo deegaanka Buusaar ee gobolkaasi.

Arrintan ayaa la sheegay in ay timid, kadib markii Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta sheegay in Al Shabaab warqado ay uga digayaan shacabka in ay ka agdhawaadaan fariisimaha ciidamada ay ku daadiyeen halkaasi.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ciidamada Kenya ay ka baxaan xero ay ku leeyihiin deegaanka Buusaar ee gobolkaasi.