DHAGEYSO:-Banaan bax xoogan oo ka dhacay Hadaaftimo & Shacab cadhaysan oo gooyey wadooyinka

0

Degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa waxaa weli ka socda banaan bax xoogan oo looga soo hor jeedo ciidamada maamulka Somaliland oo la sheegay in gaadiid dagaal oo gaadhaya 72 Tikniko ah ay ku qabsadeen deegaankaasi.

Shacabka ayaa cod dheer ku sheegay in ay la dagaalamayaan ciidamada maamulka Somaliland isla markaasna rasaas xoogan ayaa waxaa lagu furay dadka banaan baxayey oo ku dhawaaqayey erayo lidi ku ah ciidamada Somaliland.

Gaadiidka dad weynaha iyo shacab badan oo safar ahaan ayaa dib loogu celiyey magaalada Hadaaftimo, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.