AKHRISO:- Ilhaan Omar Oo Si Kulul U Naqdisay Sacuudiga Iyo Mareykanka

0

Labada Haweenka Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka ee Ilhaan Cumar oo asal ahaan Somali ah iyo Rashida Talayba ee asal ahaan Falastiiniyad ah, waxay si kulul u dhaliileen Hubka ay Maraykanka siiyaan Sacuudiga ee loo adeegsanayo dagaalka ka socda dalka Yemen.

Qoraal ay Ilhan Omar soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay inay Sacuudiga had iyo jeer heerka ugu xun ku jiraan Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, isla markaana ay mas’uul ka yihiin macluusha iyo cuddurka Koleeraha ee dadka Reer Yemen.

Waxay sii raacisay inay Sacuudiga weli yihiin kuwa ugu sarreeya ee iibsada hubka lagu farsameeyo Maraykanka, waxayna Ilhan Omar is-weydiisay sababaha uu Madaxweyne Donald Trump ula dhinac noqday kuwa hubka soo saara ee ka dhanka ah dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha.

Hadalkeeda waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Mudanayaasha Aqalka Senedka Maraykanka caawa yeelan doonaan Kulan ay kaga doodayaan Tacadiyadda ay Isbahaysiga Sacuudiga ka geystaan dalka Yemen iyo sidii loo joojin lahaa hubka laga iibiyo.

Bishii la soo dhaafay, Aqalka Senedka ee dalkaasi waxay u codeeyeen qaraar ku baaqay inay Maraykanka joojiyaan taageeradda dagaalka ee ay Isbahaysiga Sacuudiga ka siiyaan dagaalka Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxay tan iyo sannadkii 2015-kii hoggaamiyeen Isbahaysi Carbeed oo ka dhan ah Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee Iiraan taageerto.