DHAGEYSO:- Daahir Jeesow “Khayre Wuxuu Booqday dad uu Gumaysto, Hogaamiye Madoobe oo Al-shabaab ah”

0

Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si la yaab leh uga hadlay Safarka Raysal Wasaare Khayre uu ku Joogo magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Kheyre uu booqday dad la haysto oo aan soo bandhigi karin fikirkooda,islamarkaana uu u taliyo hal shaqsi oo ah Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Axmed madoobe, Madaxweynaha Jubbaland uu ahaa jirey Hogaamiye Al-shabaab, islamarkaana khilaaf hogaanka Shabaab soo kala dhexgalay uu keenay in isaga uu Madaxweyne ka noqdo Jubbaland.