AKHRISO:- Iran oo fariin hanjabaad ah u dirtay Israel

0

Iran waxay jawaab adag ka bixin doontaa ficil kasta oo ciidamada badda Israel ay qaadaan oo ka dhan ah maraakiibteeda shidaalka, waxaa sidaas maanta yiri wasiirka gaashaandhigga Iran.

Hadalladiisa ayaa yimid toddobaad kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay in ciidamada badda Israel ay joojin karaan maraakiibta shidaalka sidda ee Iran, si loo dhaqan-geliyo cunaqabateynta Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sanadii tagtay ka baxay heshiiska Nuclear-ka Iran, wuxuuna dalkaas saaray cunaqabateyn looga gol leeyahay in lagu joojiyo dhoofinta saliidda Iran.

Wasiirka difaaca Iran, Amir Hatami ayaa wakaaladda wararka dalkaas ee IRNA ay kasoo xigatay isaga oo sheegaya in Iran ay leedahay awood milatari oo ay kaga hortagto faro-gelinta Israel, islamarkaana beesha caalamka aysan aqbali dooni ficil noocan ah.

Hatami ayaa sheegay in iska hor-imaad noocan oo kale ah loo arki doono “burcad badeednimo”, wuxuuna ka digay “Haddi ay dhacdo, waxaan u jawaabi doonnaa si adag”

“Ciidamada hubeysan ee Iran waxay leeyihiin awood ay qadka maraakiibta dalka habka ugu wanaagsan uga ilaaliyaan halis kasta oo suurta-gal ah”