AKHRISO:- Faransiiska oo Itoobiya ka taageeraya dhismaha Ciidamada Badda

0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho ku tagay dalka Itoobiya waxana uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed,kulankaas oo ay uga hadleen arrimo dhowr ah.

Shir jaraa’id oo ay siwadajir ah u qabteen Madaxweynaha Faransiiska iyo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayuu Madaxweyne Macron ka sheegay inay Itoobiya ka caawinayaan dhismaha Ciidamada Badda oo ay Itoobiya yeelaneyso.

Qodobada kale ay ka hadleen ayaa waxaa ka mid ah iskaashiga,Ganacsiga iyo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya, Waxana Faransiiska uu ugu deeqay dalka Jabuuti lacag dhan boqol milyan oo Euro.

Dowladda Itoobiya ayaa xilligaan laheyn Ciidamada Badda, kuwaas oo bur buray markii Ereteriya ay kala go’een sanadkii 1991kii,waxaana sidoo kale xusid mudan in dowladda Iboobiya aysan laheyn wax bad ah.