SAWIRRO:-Wadahadalo u bilowday Dowlada Federalka iyo Maamulka Jubbaland

0

Wadahadalo hordhac ah ayaa ugaga bilowday magaalada Kismaayo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federalka iyo Maamul goboleedka Jubbaland.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Axmednuur Maxamed Cabdi ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland.

Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta wada shaqaynta Wasaaradaha Jubaland iyo Wasaaradaha federaalka. Kulanka uu Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa bilow u ah wadahadalo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya dowlada federalka iyo Maamul goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo lagu waday in uu shalay booqasho ku tago magaalada Kismaayo ayaa u baaqday geerida ku timid allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dastuurka.

Hase yeeshee waxaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo qabanqabada soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha iyadoo wadooyinka lagu arkayo sawirada Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wararka ayaa sheegaya in aaska meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh kadib uu Ra’iisul Wasaare Kheyre u safri doono magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa marka uu gaaro Kismaayo in uu la kulamo madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay sidii caadi looga dhici lahaa xiriirka labada dhinac.