DHAGEYSO:-Caruur Horey Loogu Xukumay 6 Bil Oo Xabsi Ah Oo Lasii Daayay

0

Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex, Somaliland ayaa maanta xukuntay in xorriyaddooda loo celiyo 20 caruurta darbi jiif ah, kuwaasi oo horey loogu xukumay 6 bilood oo xabsi ah.

Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ah qareenkii u doodayey carruurtan ayaa Goobjoog u sheegay in wax dambi ah carruurtan lagu waayey maadaama markii la xukumayey lagu eedeeyey iney cabsanaayeen, islamarkaana xilliga ay wasaaradda shaqada u cabanayeen aanay wax maandooriyaha isticmaaleyn.